Kulan xasaasi ah oo goordhaw u furmay Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo Xog ku aadan…

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw ka furmay shir xasaasi ah ay leeyihiin Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Sida aan wararka ku heleyno kulanka labada Madaxweyne ayaa diirada lagu saarayaa ajandayaal xasaasi ah ay ku jiraan arimaha siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha dib u eegista Dastuurka, Sharciga Batroolka iyo Doorashada.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la filayaa in ay sameestaan isbaheysi hoose , waxa ayna kawada hadli doonaan xiriirka dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidii go’aan mid ah uga qaadan lahaayeen khilaafka kala dhaxeeya dowlada.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kulankan kala soco Wararkayaga dambe insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -