Dagaal xoogan oo dhax maray Ciidamada dowlada iyo dagaalyahanada Al Shabaab

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday baro koontarool oo kuyaala degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaaro kala duwan geestay.

Sida aan wararka ku helnay dagaalyahanada hubeesan ayaa dhoor jaho ka galay degmada Afgooye waxa ayna weerar ku qaadeen Koontaroolo Ciidamada dowladda ku sugnaayeen oo ku yaala Mukayga iyo Buundada Yar .

Ciidamada dowlada ee ku sugnaa koontaroolada la weeraray ayaa iska difaacay Al Shabaab sida ay sheegeen saraakiil katirsan booliiska ka howlaga degmada Afgooye, waxa ayna saraakiisha sheegeen in Al Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen weerarkaasi.

Dagaalka xalay ka dhacay degmada Afgooye ayaan wali la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay , waxaana dadka deegaanka sheegeen in ay maqlayeen daryanka hubka ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro kala duwan kusoo qaaday degmada Afgooye, waxaana weeraradaan imaanayaan xili ciidamada dowlada la wareegeen deegaano badan oo katirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -