Sawirro” Muqdisho oo lagu qabtay nin Lacag been abuur ah dadka ku siri jiray iyo rag kale oo …

Ciidamada booliiska ee ka howlgala gala gobolka Banaadir ayaa wada howlgalo balaaran ay uga hortagayaan kooxaha burcada xirfadeesan, iyo sidoo kale kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Booliiska ka howlgala saldhigga degmada Hodan ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay in lacag dollar been abuur ah ganacsatada ku siri jiray, ninkan ayaana goobo kala duwan wax uga gatay lacagta dollarka been abuurka ah.

War kasoo baxay taliska booliiska ayaa lagu sheegay in Maxamed Ducaale Maxamed uu adeegsan jiray lacag dollar been abuur ah, waxa ayna booliiska ninkan sheegeen in goobo badan oo ganacsi uu lacagtaasi alaabo kala duwan wax uga iibsaday.

Dhinaca kale ciidamada booliiska ayaa degmada Waabari ku qabtay saddex nin oo iyagana lagu eedeeyay in waxyaabaha maanka-dooriya gaar ahaan calaq ay doonayeen in mooto bajaaj ku qaadaan, si ay goobo kale ganacsi ahaan ugu geeyaan.

Booliiska ayaa sheegay dhammaan raggan eedeesanayaasha ah hadda ku socdaan baaritaano dheeraad ah, waxa ayna xuseen in la horgeyn doono caddaalaadda si loo marsiiyo ciqaabta dambiyada ay galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -