Wasiir Beyle oo si adag uga hadlay lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ka hadlay lacagtii Imaaraadka laga keenay ee dhawaan lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyada lacagta lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ay aheyd lacag aad u badan oo ay garan waayeen halka ay ku socotay , waxa uuna tilmaamay in lacagtaasi dalka lasoo galiyay xili ay xiisad siyaasadeed ay jirtay.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi markii la qabtay in la geeyay Bangiga dhaxe, waxa uuna intaa raaciyay in ay hada socdaan wadahadalo lacagtaasi ku aadan , waxa uuna sheegay in suurto gal tahay in lacagtaasi lagu celiyo Imaaraadka oo lahaa.

” Ciidamada amaanka ayaa qabtay lacagtan tirada badneyd, waa la garan waayay halka ay ku socotay , xiliga lacagtan dalka lasoo galinayay xiisad ayaa jirtay sas ayaana ka qabnay lacagtaasi , wadahadalo ayaa socda waana suurto gal in lacagtaasi la celiyo” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Maaliyada in aanay marna dhici karin in dalka lasoo galiyo lacag jawaano lagu wado oo lasoo saaro diyaarado lasoo kireeyay, waxa uuna tilmaamay in marnaba aan la aqbali karin in nidaamka la hareer maro.

Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in dalka aan lasoo galin jirin lacag Malaayiin Dollar ah oo dowlada lasoo ogeysiin, waxa uuna tilmaamay in ay jiraan lacago badan in dalka la keenay balse ahaayeen kuwa dowlada ogtahay oo mashaariic lagu fulinayay.

Waxa uu ka hadlay Wasiirka Maaliyada qoraal uu taliyaha miltariga ku dalbanayay in lacagta lagu qabtay garoonka Aadan Cadde lasoo daayo, waxa uuna xusay in taliyaha awood u laheyn in uu fasaxo lacagtaasi ayna muhiim aheyd in Wasaarada Maaliyada lasoo ogeysiiyo.

Ugu Dambeyn Wasiir Xukuumada Soomaaliya  ayaa ku baaqay in la xushmeeyo madax banaanida Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in dalka Imaaraadka oo lacata la qabtay laga lahaa Soomaaliya kala dhaxeeyo xiriir qoto dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -