Madaxweyne Putin oo Hadiyad ahaan loo siiyay gaari cusub oo cagaf ah (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin oo 70-sano jir saday, ayaa munaasabadda dhalashadiiisa waxaa la guddoonsiiyay hadiyado kala duwan oo ay ugu deeqeen madax iyo dad kale oo si weyn u taageersan.

Hadiyadaha madaxweeynaha dalka Ruuushka Vladamir Putin la guddoonsiiyay waxaa kaamid ah gaari nuuca beeraha lagu falo ee loo yaqaan cagaf, waxaana gaadiidkan la sheegay in Putin jecel yahay horeyna loogu sawiray isaga oo wada.

Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko, oo saaxiib dhaw la ah madaxweynaha dalka Ruushka Putin, ayaa munaasabadda dhalashadiiisa owgeed guddoonsiiyay gaari cagaf ah oo lagu sameeyay dalka Belarus.

Alexander Lukashenko, oo loo aqoonsan yahay in uu yahay kaligii taliyihii ugu dambeeyay ee Yurub ayaa madaxweynaha Ruushka munaasabad ka dhacday  magaalada St Petersburg ku guddoonsiiyay  gaariga cagafta iyo shahaado muujineysa in Belarus lagu sameeyay.

Munaasabadda dhalashada madaxweynaha dalka Ruushka waxaa kasoo qeyb galay madax iyo dad kale oo caan ah ,kuwaa oo hoggaamiyaha 70-jirsaday siiyay hadiyado badan uu goobtaasi uga vguddoomay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -