Boqortooyada Sacuudiga oo maanta laga daawanayo filimka Black Panther

Boqortooyada Sacuudiga ayaa mudo 40-sano kadib waxaa dib loo furay shineemooyinka laga daawado filimaanta, waxa ayna dadka dalkaasi fursad u heli karaan in ay filimada cusub ka daawadaan Shineemooyinka dib loo furay.

Waxaa maanta lagu wadaa in dalka Sacuudiga gaar ahaan Shineemooyinka dib loo furay laga daawado filimka Black Panther, waxaana tikidhada filimkan dadku ku kala iibsadeen qaab Online ah.

Shineemooyinka ayaa horey looga mamnuucay dalka Sacuudiga kadib markii culimada sheegeen in ay yihiin dambi diinta kasoo horjeeda, hasa ahaatee dib u furida Shineemooyinkan ayaa qeyb ka ah isbadalada Sacuudiga xiligan laga hirgalinayo.

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay in Sacuudiga laga hirgalinayo isbadalo badan, waana qeyb kamid ah isbadalada Amiirka ku dhawaaay in Shineemooyinka dib loo furo.

Isbaddeladan cusub ee looga dhawaaqay Sacuudiga waxaa loogu talogalay inay gacan ka geystaan in dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in shaqooyin cusub loo abuuro shacabka Sucuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -