Shirkadda Ethiopian Airlines oo dhisaneysa garoonka ugu weyn qaarada Afrika

Ethiopian Airlines ayaa hadda ku shaqeysa garoonka dayuuradaha Pole ee magaalada Addis oo ku fadhiya 35-km oo labo jibbaaran.

Agaasimaha Fulinta ee shirkadda Tewolde Gebremariam ayaa sheegay in Garoonka cusub laga dhisayo degaanka Bishoftu oo oo 39-km Koonfur bari ka xiga Addis ababa, isagoo xusay in ujeedku yahay inuu sanad kasta qaado 100 milyan oo rakaab ah.

“Naguma filna Bole Airport waa qurxoon yahay, balse marka la eego koritaankeenna 3-4 sano kaddib naguma fillaan doono,” ayuu yiri Tewolde.

waxaa uu sheegay in garoonkan cusub uu xitaa ka kharash badnaan doono Biya Xireenka laga dhisayo webiga Niil oo ku kacaya $4 bilyan oo doollar, isagoo sheegay inay ka rakaab badnaan doonaan garoonka magaalada Dubai.

Agaasimaha Fulinta ee shirkadda Tewolde Gebremariam ma sheegin halka ay ka imaneyso lacagta faraha badan ee ku baxeysa garoonka

Ethiopian Airlines oo ku shaqeysa 116 dayuuradood ayaa faa’iidada saafiga ah ee ay heshay sanadkii 2019 waxay gaartay $260 milyan oo doollar, waana shirkada dayuuradaha ee ugu weyn qaarada Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -