Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku dilay nin hubeysan oo la socday Mooto Bajaaj

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa ku dilay magaalada Muqdisho nin ku hubeysnaa qori Ak-47 ah ka dib markii ay ka shakiyeen.

Falkan ayaa xalay ka dhacay isgoyska Maana booliyo ee degmada Shibis ka dib markii ciidamo halkaas ku lahaa bar kontrol uu ku soo baxay nin hubeysan oo la socday mooto bajaaj wadada mareysay.

Warar mar dambe soo baxay ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka mid ahaa ilaalada gudoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka ka hor ninka hubeysan iyo ciidamada amaanka ayaa waxaa la sheegay inuu dhexmaray muran xoogan oo sababay in markii dambe rasaas lagu furo ninka qoriga watay.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada ayaa dilka ka dib halkaas gaaray, iyagoo qaaday meydka iyo qoriga uu ku heysnaa ninka dilay, mana jiro war ciidamada amaanku ka soo saareen dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Video: Tirada Soomaalida oo 35 Milyan gaari doonta sanadka 2050 & Warar kale oo xiiso badan

admin

Madaxweyne Biden oo ka hadlay Waaranka soo qabashada ee loo jaray Netanyahu iyo Gallant

Cabdi Cade

Maamulka Khaatumo oo Eedeyn u jeediyay Muuse Biixi Baaqna u diray beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---