Axmed Madoobe iyo wafdi uu horkacayo oo Boosaaso ku sii jeeda

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Kismaayo, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waxaa uu magaalada Boosaaso wada hadalo kula qaadan doonaa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa halkaas.

Safarka Axmed Madoobe ee Puntland ayaa ah kii u horeeyay tan iyo markii dib loo doortay sanadkii hore.

Lama oga illaa hadda ujeedada safarka Axmed Madoobe ku tagayo Boosaaso, hase ahaatee labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ayaa ah xulafo si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha dowlada Somalia.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA SAFARKA AXMED MADOOBE.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -