Allbanaadir.com
NEWS

Ankara maxaa ka socda? Maxayse tahay natiijada laga fili karo?

Ankara maxaa ka socda? Yaa jooga? Maxayse tahay natiijada laga fili karo?

Magaalada Ankara waxaa ku sugan laba wafdi oo Soomaaliya iyo Ethiopia ka socda oo labaduba martiqaad ka helay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Ka dib marka uu Madaxweynaha martida loo yahay uu midba gooni ula kulmo ayaa la filayaa in labada Hoggaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ay fool ka fool isu arkaan ayada oo uu goobjoog yahay Madaxweynaha Turkigu.

Galabta iyo caawa ayaa la filayaa in fadhiyada xasaasiga ahi ay qabsoomaan.

Wafdiga culus ee Madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminayo waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Daud Aweys, La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin,
Axmed Jaamac Cillal oo ah la Taliye Sare oo Madaxweyne, madax sare oo xagga amniga ah iyo khubaro ay ka mid yihiin sharciyaqaanno.

Ma jirto cid qiyaasi karta waxa ka soo baxaya wadahadalka maaddaama aanu weli billaaban, hase yeeshee, waxay rajadu tahay in Mowqifka Soomaaliya uu meelmaro, si meesha looga saaro khilaafka labada dal ee jaarka ah Soomaaliya iyo Ethiopia.

Related posts

Xogta kulan dhexmaray Guuleed & danjire Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoorqoor iyo Golihiisa Wasiirada oo dhegeystay warbixin xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan la yeeshay guddiga heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---