Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo burburiyay keydad muhiim ah ay lahaayeen Daacish

Ciidamada difaaca maamulka Puntland ayaa, howgallo ay doonayaan in ay kusoo afjaraan kooxda Daacish kawada dhulka buuraleyda Calmiskaad, halkaas ay ku sugan yihiin dagaallamayaal Soomaali iyo ajaaniib isugu jira.

Howlgal qorsheysan oo ciidamada fuliyeen saacadihii lasoo dhaafay ayey ku guulaysteen in ay ku burburiyaan keydkii guud ee raashinka iyo Xaruntii caafimaadka ay lahaayeen kooxaha Daacish.

Saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish, ayaa sheegay in ciidamadu ku guulaysteen burburinta keydadkii ay lahaayeen kooxdaasi, gaar ahaan keydadkii raashinka iyo daawooyinka u yaaleen.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Taliskii guud ee tababarada maleeshiyaadka Daacish, islamarkaana hawlgalkaasi lagu dilay xubno ka tirsan kooxda oo dhammaantood ajaanib ah.

Dagaalyahannada kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari , ayaa wararku sheegayaan in hadda ku go’doonsan yihiin masaafo kooban oo ay dhinacyada kaga hareeraysan yihiin ciidamada Puntland, kuwaa oo doonaya in gabi ahaan kooxdaasi ay soo afjaraan.

 

Related posts

Xukun lagu riday Nabadoon Damiinan jiray Daacish iyo labo nin oo kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumada oo War kasoo saartay kulankii dhax maray Rooble iyo Cabdi Xaashi (Sawirro)

Cabdi Cade

Gaza oo xalay mar kale marti gelisay duqeymo kale oo lagu hoobtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---