Madaxweyne Trump oo dhambaal yaab leh u diray dhigiisa Kim Jong-un

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump farriin hambalyo dhalasho ah u diray hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Arrintan ayaa dad badan ka yaabisay, iyadoo madaxda labada aan looga baran iney isweydaarsadaan dhambaalo noocan ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in xiriirka shakhsiyadeed ee labadooda u dhaxeeya uusan ku filneyn dib u soo celinta wada xaajoodyada nukliyeerka.

Mr Kim ayaa laga yaabaa in shakhsi ahaan uusan necbeyn Mr Trump, balse dalkiisa kuma hoggaamin karo siduu isagu rabo, waxaa sidaa yiri Kim Kye Gwan oo la taliye u ah wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi

Wuxuu sheegay inaysan suurto gal ahayn wada hadallo, ilaa uu Mareykanku ka aqbalo dalabaadka Kuuriyada Waqooyi, iyadoo Xiriirka labada dal uu sii xumaanayay bilihii ugu dambeeyay.

Kim iyo Trump ayaa wada hadallo weji ka weji ah yeeshay sanadkii 2018 iyo sanadkii hore, kuwaasoo looga gol lahaa in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubkeeda hukliyeerka, balse wada xaajoodyada ayaa hakad galay iyadoo Mareykanku uu diiday inuu cunaqabateynta ka qaado ilaa ay Kuuriyada Waqooyi si buuxda u joojiso hubka nukliyeerka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -