QM oo u digtay dalal ay Somalia ku jirto, xili kama dambeys ahna u qabatay

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in todoba dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobey ay weynayaan codkii ay ku lahaayeen fadhiyada ay guud ee golaha.

Afhayeenka Qaramada Midoobey Staphane Dujarric ayaa sheegay in todoba dal oo ay Soomaaliya ku jirto ay ka mid noqdeen dalalka codadka buuxa ku waynaya fadhiyadda golaha guud ee Qaramada Midoobey.

Sababta waxaa uu afhayeenku ku sheegay in dawladahaan ay bixin waayeen qaaraan sanadeedka Qaramada Midoobey, taasina ay keentay in fadhi gaar ah laga yeesho.

Afhayeenku waxa uu sheegay in xubnaha golaha guud ee Qaramada Midoobey oo ka kooban 193 wadan in la go’aamiyay in dalalka Soomaaliya, Lubnaan, Venezuela, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Yemen, Gambia, Jasiiradaha Komoros iyo dalal kale inay waayeen codka buuxa oo ay fadhiyadda Qaramada Midoobey ku lahaayeen.

Waxa ka horeeya bisha September ee sanadkaan ayay dawladahaan Soomaaliya ku jirto fursad u haystaan inay iska baxshaan lacagta qaaraan sanadeedka ah ee QM haddii waxaa ay luminayaan codka ay QM ku leeyihiin.

Qodobka 19aad ee sharciga Qaramada Midoobey ayaa dhigaya in dalkii muddo 2-sano ah bixin waaya qarashka sanadka uu waynayo codkiisa uu fadhiyada ku leeyahay, hase yeeshee dawladaha waxaa u furan inay cudur-daartaan marka dhibaato qabsato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -