Sargaal katirsan Ciidanka Nabad sugida oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa maanta Xaafada Taleex ee degmada Hodan waxa ay ku dileen Sargaal katirsanaa ciidanka Nabad sugida Soomaaliya, waxaana baxsaday ragii fuliyay dilka sargaalka.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa toogtay Taliye ku xigeenkii ciidamada nabadsugida gobolka Shabelaha Hoose Dhaayow Cusmaan, waxaana dilka taliyaha loo adeegsday biskoolado.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan wali la ogeyn cida lagu soo qabtay.

Dilkan ayaa imaanaya xili amaanka magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay u muuqatay mid soo hagaagaya, waxaana inta badan yaraaday dilalkii qorsheesnaa ee magaalada ka dhici jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -