Beesha Dagoodi oo Qodobo xasaasi ah kasoo saartay Shir uga socday Muqdisho

Shir ay isugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Dhaqanka, Dhalinyarada, Haweenka iyo Saraakiisha Beesha Dagoodiye oo ka qabsoomay Muqdisho loogana hadlaayay Arimaha Siyaasadda iyo Doorashooyinka ayaa waxaa Beesha Dagoodiye ka soo saareen Shirkooda qodobadan:

1.Beesha Dagoodiye oo Xusuusata Boobkii iyo awood sheegashadii uu Xasan Sheekh ku sameeyay Kursiga Sumadiisu tahay UH#020 ee aqalka Sare ee yaala HirShabeelle, waxay Xusuusineysaa DFS iyo Madaxda Hirshabelle in kursigaas Beesha laga Xoogay loona awood sheegtay, Sidaa darted marna ma aqbali doonno mar kale in beesha la duudsiiyo , waxaana beelaha aan walaalaha nahay ka codsaneynaa in aanay raali ka noqon in mar kale boob uu dhaco.

2.Beesha Dagoodiye waxay luuqad adag ku cambaareyneysaa gabood falada ka dhanka ah Xuquuqda aadanaha ee ka dhacay kismaayo mudadii Xukunka Rajiimka Axmed madoobe ee Xoogga iyo qorigga ku maroorsaday Awoodda Shacabka Jubbalabd, Waxaan sidoo kale Xusuusineynaa Beesha Calaamka iyo DFS in Rajiimka Axmed madoobe askartiisa dileen barqad ah Nabadoonkii guud Ee Beesha Dagoodiye ee Deegaanada Jubbaland Alle ha unaxariistee Nabadoon Axmed Nuur, arintaas oo sababtay in Beeshu go’aansato in dhiigga hal doorkeeda aan Xukun aan loo daadin , balse mudadii uu Xukunka haayay Waxa uu si cad u boobay kursiga Sumadiisu tahay UH#019 ee aqalka Sare oo uu sifo aan sharci eheen ku bixiyay, waxaan aaminsanahay in la gaaray Xiligii Cadaaladda ay shaqeyn leheed Kursigaasna cidii xaqa u leheed ee Dagoodiye heli doonaan.

3. Beesha Dagoodiye Waxay Boogadineysaa Go’aankii ay soo saareen Beelaha Garre iyo Digil ee ku saabsanaa in isbdal lagu sameeyo maamulka Gobalka Shabeelaha hoose iyo kan Degmada Qoryooley, Waxaan aaminsanahay Maamulka Fadhiidka ah ee ka jira Deegaankaas in dadka iyo deegaanka aan u adeegin, Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen waxaan xusuusineynaa in marna aan xukun ku raadin doonin dagaal iyo aflagaado balse KGS lagu dulmiyay beesha Dagoodiye, Natiijadii kulamadii ay yeesheen Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Dagoodiye iyo Madaxweynaha aan natiijo ka soo bixin oo dhanka KGS ay ka fuli waayeen.

4. Beeshu waxay mar kale ka Xuntahay Gabood falkii uu Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta Beesha Dagoodiye u geestay Xasan Cali kheyre mudadii uu Xukunka joogay, waana arin diiwaanka gashay oo aan marna la ilaabi doonin.

5.Beeshu waxay Raysal wasaare Rooble ku boogaadineysaa dadaalada uu wado ee qabsoomidda doorashooyinka ,waxaana ugu baaqeynaa in marna uusan aqbalin Sad bursigii dhacay dhamaadkii 2016.

6. Ugu dambeyntii Beesha Dagoodiye Waxay ugu baaqeysaa in aysan dhaqaale ku taageerin Maamulada ku dhisan eexda, sad bursiga ee aan loo dhameyn , si gaar ah waxaan u soo jeedineynaa in aan lagu taageerin dhaqaale doorashada lagu boobo , annagoo soo jeedineyna in il gaar ah lagu hato kuraastii beesha laga Xoogay Doorashadii 2016.

- Advertisement -