Itoobiya Duulan Kuma Soo Aha Soomaaliya, Masar iyo Turkina Uma Dhimanayaan difaaca Soomaaliya
Majiro hal askari oo Masaariya ama Turkiya oo u dhimanaya danaha lagu badbaadinayo difaacida Soomaaliya, sidaas si la midana ma jireyso askar Itobiyana oo duulaan ku qabsaneysa Soomaaliya, waxeyna wadamadaas dhamaantood fiirsanayaan danahooda iyo maslaxadooda oo ay rabaan iney ku gaaraan si nabada, waxeyna labadaas dal ay ka mideysan yihiin sidii ay aqoonta farsamooyinkooda iyo waxsoosaarkooda ay dalalka soo koraya ay uga faaiideysan lahayeen, iyagoo eeganaya oo keliya maslaxadooda sidii ay dhaqaale badan uga heli lahayeen wadamadaas, wuxuuna gurmadka Masar uu cabirayaa sida ay ciidankeeda ugu raadineyso dhaqaale ay ku hesho nabad ilaalinta ay maalgelinteeda caalamku ay ku lug leeyihiin, meesha dhinaca kale Turki ay ku hamineyso iney saameyn xooggan oo dhaqaale ay ku wada yeelato dhamaan wadamada ku yaal Geeska Afrika. Sidaas ayeeyna Masar iyo Turki ku yihiin dalal dhaqaale doona oo aysan marnaba u ahayn kuwo u diyaara iney dhaqaalahooda ku galaan dagaal shisheeye.
Masar waxaa Itobiya kala dhexeeya khilaaf xooggan oo ku saabsan dhismaha Itobiya ay biyo-xireenka uga sameysay Blue Nile River oo ku yaala xuduuda Itobiya (The Grand Ethiopian Renaissance Dam – GERD), wuxuuna ismaandhaafkaas ka dhashay walaaca weyn oo Masar ay ka qabto biyo-xireenkaas oo waxyeeleynaya qulqulka biyaha webiga weyn ee Nile oo nolosha shacabka Masar ay intooda badan ku tiirsan yihiin wax ka soo saarideeda. Biyo-xireenkaas waxaa la bilaabay dhismihiisa bisha April 2011, waxaana labada dal u dhaxeeyey dagaal siyaasadeed tan iyo markii la bilaabay dhismaha biyo-xireenkaas, waxeyna labadaas dal ay ka wada baaqsadeen khilaafkooda inuu horseedo dagaal ciidanka la isku adeegsado, waxeyna tilaabadaas ay cadeyneysaa in Masar maslaxadeeda ciidan ay ku diifacan weysey ineysan ku difaaceynin maslaxada Soomaaliya.
Turki waa wadan ay dadkiisu mayal adag yihiin oo ay dowladu shacabkeeda ku xukunto horumarka dhaqaale oo ay sameyneyso, taas oo tilmaameysa iney leeyihiin dowlad wanaagsan, balse shacabkeedu uu ka xun yahay in waxqabad loo fidiyo shacab kale, waxeyna dowladda iyo shacabka Turkiga ay ku wada mideysan yihiin wadaniyad ku dhisan macangagnimo iyo tanaasul la’aan, waxaana tusaalaha muuqda ka mida in Jamhuriyadda Turkiga iyo shacabkeedu aysan marna ogolayn iney gorgortan ka galaan jasiiradda Qubrus oo ay isku haystaan Griiga, waxaase tixgelin mudan in si fogaan araga loo garto in Turkidu soo abaabushey wadahadal ay heshiis ku dhex dhigeyso Soomaaliya iyo Itobiya oo ujeedadeedu tahay in Soomaaliya ay gorgortan ka gasho madaxbanaanideeda dhuleed, marka dalkaas askartiisu ma difaaceyso maslaxad uu dal kale leeyahay oo amarka maslaxada dowladooda aan ku shaqeyneyn, si kastoo oo ay dhaqaale uga helayaan dalkaas.
Itobiya istratejiyadeedu waa ka duwan tahay xeeladaha ay adeegsanayaan Masar iyo Turki oo ku dhisan murqo tooxida iyo xeyxeydashada bilaashka ah, waxeyna xeelad ahaan ay asal ahaan u leedahay iney salka ugaa gunido dhagar ay ku lahaato Soomaaliya, waxaana asal ma doorshe ah in Itobiya ay Soomaaliya duulaan ku qabsan lahayd haddii ay rabtey wixii ka dambeeyey 1991dii oo ay burburtay dowladda Soomaaliya, meesha ay xoogeysaneysey dhismaha dowladda Itobiya, waxeyna taas ay meesha ka saareysaa damaca Itobiya inuusan asal aahan saldhig u ahayn duulaan qaawan oo ay ku qabsato Soomaaliya, balse ay dooneyso in Soomaaliya oo la saaxiiba iyo dunida oo raali ka ah iney dhagar ku hantiso lahaanshaha milkiyada Soomaaliya, iyadoo hubineysa ineysan labada dal ka dhex jirin xoogg iyo xeelad gudahooda uga hor imanaya damacooda qarniyaal badan soo jiitamayey, taas oo ay ku gaareyso himiladeeda dagaal la’aan iyo iney ka maaranto duulaan ciidan oo ay ku soo qaado Soomaaliya.
Itobiya waxey dejisey oo ay Soomaaliya u soo saartay dastuurka federaalka oo hadda ay jiritaanka dowladnimadeedu ay ku jirto sharci ahaan, waxeyna abuurtay ciidan qarsoon iyo kuwo muuqda oo ku dhex beeran dalka, kuwaas oo ay Soomaaliya ku qasabtay iney dalkeeda joogaan, waxeyna ciidankeedu ay u joogaan dalka Soomaaliya habraac ay ku kontoroolayaan dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana ay ugu soo saarayaan xukumida dadka iyo dalka madax maqaarsaara oo ka cabsaneysa waxyeelada ay u geysan karaan xooggag ku dhex qarsoon dalka, kuwaas oo aan madaxdooda fursad u siineyn iney danaha Itobiya ka horyimaadaan ama ay isku dayaan iney sameeyaan waxyaabo u muuqda iska caabin, waxeyna Itobiya horay ugu abuurtay iney ku barbaariso madaxda Soomaliyeed ee maqaarsaarka ah iney maskaxdooda ku dhaliso damacyo dhalanteeda oo ay riyooyinkooda ku madadaalineyso, haddana dhiirogelintooda ay u wehliso cabsigelin loogu maleegey ciqaabo cawaaqibxumo leh.
Waxey Itobiya horay ugu sameysay Soomaaliya madax iyaga ka amar qaata, waxeyna kuwaas maankooda ku doorisay balanqaadyo ay xilka ugu hayneyso sanooyin badan iyo iney siineyso hub ay awoodooda ku xoojiso, taas oo maskaxdooda ka dhigtay mid aan sina uga maarmi karin maskaxda Itobiyaanka maankooda lahaatay, waxeyna kuwaas Itobiya ay kala shaqeynayaan sida ay rabaan iney u dhalanrogaan rayidka laga suuliyey waxgaradkooda oo la doonayo in maskaxdooda laga dhaqo waxyaabihii ay ka aamninsanaayeen dalkooda, waxeyna sidaas ay shacabka uga siibayaan maskaxdooda, damiirka xooggan ee dadnimadiida iyo mida wadaniyadooda, waxeyna sidaas ku kasbanayaan rabitaanka shacabka, kadib marka ay ka dhigaan maskaxdooda gorof maran oo aan damiir, garasho, iyo dareen danqasho aan midna lahayn.
Waxey Itobiya istratejiyadaas ku tijaabisey maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya iyo kuwa ka falaagoobey, kuwaas oo mar kasta ay u taagan yihiin iney fuliyaan amaradooda, iyagoon lahayn wax awooda oo ay ku diidi karaan haba yaraatee, waxaana mariin habaabintooda kalinta ugu weyn ka qaadanaysa dacaayadaha lagu indho-sarcaadinayo oo loogu tusayo naceybka kala dhexeeya beelaha iyo deegaanada kale, taas oo lagu kala fogeynayo qalbiyada Soomaaliyeed, iyadoo mid walba si gooniya loogu tusayo ineysan Soomaalida kale waxba kala dhexeyn, waxaana tusaale muuqda looga dhigaa Soomaalida Galbeed oo Itobiya kala safan Soomaaliya, waxaana dhalanrogaas barbarsocota dabargoyn salka ku haysa faafinta cudurada lagu gaasirinayo koriinka dadka iyo daweyntooda oo lagu nusqaaminayo kororka dhaqaalaha wadankooda.
Waxey taas dadka badidiis ka dhigeysa bukaan socod dantiisa la itaal daran oo nolol hoose si liidata ugu karantiilan, shacabkaas oo aan xoogg iyo xeelad midna u heli karin ka soo bixida xeyndaabka lagu go’doomiyey ama aysan iska cabin karin qiyaanooyinka manaboolyada loogu haysto maskaxdooda, waxaana dhibaatooyinkaas ay abuurtay Itobiya ka badbaadey aqoonyahanka, balse ay ka awood bateen aqoon gaabka looga dhigay madaxda oo waajibaadka xilalkooda ay Itobiya u meeriso, waxeyna kuwaas ay noqdaan kuwo aragtidooda lagu maadeysto, iyagoo lagu sumaday kuwo wareersan oo aan soo raaci karin bulshadooda ka fayow maskaxdii hore ee wadaniyada duuga ahayd oo ku saleysneyd waxgaradka lahaa indheer-garashada, waxeyna ugu dambeyntii ay kuwaas isaga baxsadaan deegaanka dadkooda iyagoo ihaaneysan.
Muqdisho waa rajada iftiinka ummadda Soomaaliyeed, waxeyna had iyo jeer ay u taagan tahay difaaca maslaxada shacabka Soomaaliyeed, waxeyna tahay xaruunta ay iska leeyihiin Soomaaliweyn oo dhan. waxeyna tahay meesha ay mar kasta dib uga curtaan baraaruga uu cadowgu ku dareemo in Soomaalidu ay xasuusta halgankoodii ay dib u soo noqday, hakaas oo ay ka soo curtaan kacdoonada ka soo horjeeda Itobiya, kuwaas oo cagta mariya maamulada ay dowladnimadeedu maqaarsaarka ku tahay shacabka ay xukumaan, waxeyna taas ay dib u soo celisaa iska caabinta ay wadaniyiinta isaga celinayaan waxyeelada ka dhalatay naceybka uga imanaysa cadowgooda, waxaana Muqdisho mar kasta ka soo ifbaxa madax halyeeyo ah oo aan ogoleyn in waajibaadkooda loo meeriyo, kuwaas oo halabuur cusub u sameeya dowladda shacabkooda, taas oo raaceysa mariinka ay ku jirto maslaxadda dadkooda, diintooda, iyo dalkooda, waxeyna rajada Soomaaliya ay ku jirtaa in shacabka Soomaaliyeed ay toosaan oo ay ku baraarugaan iney jirin cid kale oo u difaaceysa dalkooda, sidaas daradeedna ay qabsadaan talada ay Muqdisho dalka ku hogaamineyso oo ay uga difaaceyso cadowga soo jireenka ah inta aysan noqon taas mid laga daahay oo aan waxba laga qaban karin.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com