Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Qaar kamid ah Gantaaladii Iran ku weerartay Xeryaha Mareykanka ee Ciraaq

Dowlada Iran ayaa gantaalo culus xalay ku weerartay labo xero oo degan yihiin Milatariga Mareykanka oo kuyaala dalka Ciraaq, waxaana Iran sheegtay in weerarkaasi khasaaro badan uu kasoo gaaray ciidamada Mareykanka.

Qaar kamid ah gantaaladii Milatariga Iran ku weerartay saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ayaa qaarkood lasoo bandhigay iyaga oon qarxin, waxaa sidoo kale qarxay qaar badan oo kamid ah gantaaladii lagu weeraray xeryaha Mareykanka.

Telefishinka dowlada Iran ayaa shaacisay in 15-gantaal oo culus lagu weeraray xeryaha ciidamada Mareykanka Ciraaq ku leeyihiin Al-Asad iyo Erbil, waxaana gantaalada qaar ku dhaceen goobo ay joogeen ciidamada.

Dowlada Mareykanka ayaan wali shaacin khasaaraha kasoo gaaray weerarka Iiraan ku qaaday xeryahooda kuyaala Ciraaq, waxaana dowlada Iran horey u sheegtay in weerarkaasi ku dileen 80-askari.

Related posts

Duqa Muqdisho oo Amar siiyay laamaha Dawladda Hoose (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DF oo wada qorshe aan la mahdin doonin & Golaha wadatashiga oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Farmaajo: “Somalia waxay ku qanceysaa oo kaliya go’aanka Maxkamadda ICJ” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---