Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Weerar kale oo ka dhacay gudaha Kenya

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano kooxdooda katirsan xalay weerar ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada booliiska dalka Kenya oo kuyaala deegaanka Sareedo Bilcaan oo hoos taga magaalada Gaarisa.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ku dileen labo askari oo katirsan ciidamada booliiska dalka Kenya sidoo kale ay gubeen saldhiga iyo anteeno ay leedahay shirkada Isgaarsiinta ee Safaricom.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay weerar guulaystay ka fuliyay deegaanka Sareedo Bilcaan oo hoos taga Gaarisa, mujaahidiintu waxay weerarka ku dileen 2 askari oo katirsan ciidamada Booliska Kenya, waxayna gubeen saldhiggii deegaanka iyo xarunta shirkadda Safaricom” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dhinaca kale Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in Al Shabaab weerar ku qaadeen iskuul kuyaala gobolka Waqooyi bari Kenya ayna halkaasi ku dileen afar qof ay ku jiraan macalin iyo ilmo yar .

Weerarada Al Shabaab ka fulinayaan gudaha dalka Kenya ayaa kordhay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana wali la xasuustaa weerarkii Al Shabaab maalin kahor ku qaadeen xero ay joogeen Ciidamo Mareykan ah oo kutaala gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -