Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Cape-town ee dalka K/Afrika

Nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jirey Maxamed Maxamuud Diiriye (Caafi) ayaa maanta duhurnimadii lagu dilay Magaalada Cape-town ee Dalka Koonfur Afrika.

Maxamed Caafi  ayaa asal ahaan ka soo jeeda Magaalada Muqdisha gaar ahaan Degmada Kaaraan oo reerkiisu degan yihiin.

Kooxo hubeysan oo burcad koonfur afrikaan ah ayaa toogtay xili uu watay gaari nuuca Dukaamada ay ku soo adeegtaan ah sida dad goob joogayaal ahi sheegeen.

Dhawaan ayuu qorsheynayay Maxamed inuu dalkiisa ku soo laabto sida ay sheegeen eheladiisa hase ahaatee waxaa ka soo hor martay ajashiisa.

Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta lagu dilay marxuumka halkaasoo ay baaritaano ka sameeyeen inkastoo aysan jirin cid loo soo xiray dilkaas oo qeyb ka ah dilal boqolaal soomaali ah sanadihii la soo dhaafay loogu geystay dalkaas.

Related posts

Saciid Ciise: “Waa nasiib daro in shacabka Muqdisho aysan si xor ah jidadka u mari karin”

Caydiid Ali

Sargaal ajnabi ah oo katirsanaa Daacish oo lasoo bandhigay xogna bixiyay

Cabdi Cade

Nin dilal argagax leh ka geystay Jigjiga oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---