Maxaa ka jira in Iran ku lug laheyd weerarkii saldhiga Maraykanka ee camp Simba?

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkii Al-Shabaab ku qaadday saldhigga ciidamada militeriga ee Manda Bay ee Gobolka Lamu subaxnimadii shalay aanu ahayn mid ay ku lug leedahay Iran.

AFRICOM ayaa meesha ka saaray warar ay tebiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegaya in laga yaabo in Iran ku lug leedahay weerarkaasi.

“Taliska Mareykanka ee Africa ma go’aamin in weerarkii shalay ee ay Al-Shabaab qaadday uu xiriir la lahaa Iran,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awoodda kooxaha argagixisada ah si aysan markale awood ugu helin iney khatar geliyaan amaanka Mareykanka, muwaadiniinta Mareykanka, xulufada caalamiga ah iyo iney qalalaaso amni xumo ah ka abuuraan gobolka Bariga Africa.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu yiri, “inkastoo aan Iran looga shakisneyn in ay ku lug lahayd weerarkaasi, haddana Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa waxa uu arkay wadamo kale oo ay ku jirto Iran iney sii kordhinayaan saameyntooda gobolka Geeska Africa.”

Weerarkan waxaa lagu dilay askari Maraykan ah iyo labo ka mid ah qandaraaslayaasha Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka, waxaana lagu dhaawacay illaa labo askari oo kale sida ay sheegtay AFRICOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -