Muuse Suudi: “Burcad badeed ayaan ilaalin weynay, Burcad Batrool iskama ilaali karno”

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan golaha aqalka sare ayaa soo jeediyey in ansixinta sharciga batroolka lala sugo dowlad xoog leh oo damaanad qaadi karta ilaalinta khayraadka dalka.

Hadalkan ayuu ka jeediyey Muuse Suudi fadhigii golaha Aqalka Sare ee maanta lagu ansixiyey sharciga Batroolka dalka.

Waxaa uu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in lasoo saaro Batroolka dalka, balse aysan suurta gal aheyn in hadda lagu deg dego, iyadoo uusan jirin sharci lagu heshiiyey oo lagu hago Batroolka, isla markaana aysan sharcigan raali ka aheyn dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Muuse Suudi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in qeyb ka mid ah badda ay dacwad ku jirto, isla markaana uu jiro shaki badan oo ku aadan sida ay xukuumaddu ugu xusul duubeyso soo saarida shidaalka.

“Sharcigan waxaa laga rabaa in warqadii laga soo saxiixay Golaha Shacabka, laga saxiixo golahan Aqalka Sare, kadibna loo geeyo Madaxweynaha ee markuu saxiixo Ra’iisul Wasaaruhu u geeyo shirkado lacag kaliya looga rabo” ayuu yiri Muuse Suudi.

Waxaa uu soo jeediyey in heshiiskan haddii la gelaayo lala galo dowlado damaanad qaadi kara oo awood leh u leh inaan la musuqin kheyraadka dalka.

“Doomo aan badeena ku ilaashano ma qabno maraakiib islaameed ayaa noo soo gudbisa raashinka, kalluunkii ayaan ilaasha weynay, burcad badeed ayaan iska dhici weyney, marka burcad Batrool iskama ilaali karno” ayuu Senetor Muuse Suudi Yalaxow hadalkiisii ku soo xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -