Al Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada iyaga oo ka dhax dagaalamaya Saldhig Mareykanka ku leeyahay Kenya (Daawo Sawirada)

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen xero milatari oo kutaala deegaanka Manda Bay ee Gobolka Lamu dalka Kenya .

Xerada weerarka lagu qaaday oo lagu magacaabo Camp Simba ayaa la sheegay in ay degnaayeen Ciidamo Mareykan ah iyo ciidamo katirsan milatariga Kenya, waxaana xerada saakay aroor hore weerar ku galay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirada dagaalyahanooda oo ka dhax dagaalamaya gudaha xerada Camp Simba, waxaana dagaalyahanada Al Shabaab sawiro ku galeen xerada iyaga oo kor u wata calankooda.

Goobaha ay sawirada ku galeen dagaalyahanada Al Shabaab ayaa waxaa ka dhax muuqday diyaarado kuwa qumaatiga u kaca , waxaana la sheegay in Al Shabaab gubeen qaar kamid ah diyaaradihii xeradaasi yaalay.

Al Shabaab ayaa sheegtay in khasaaro badan ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ku gaarsiiyeen xerada ay weerarka ku qaadeen, walina si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo saacado badan socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -