Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xulka Qaranka kubadda Cagta Soomaaliya oo gaaray Magaalada Harare (Sawirro)

Xulka Qaranka Soomaaliya oo guul Taariikhi ah ka gaaray Xulkii Zimbabwe lugta koowaad ee isreebreebka Koobka Aduunka oo ka dhacay Dalka Jabuuti ayaa magaalada Magaalada harare ee Dalka Zimbabwe, waxayna ciyaari doonaan lugta 2-aad

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadam Jimcaale Koofi qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu ku sheegay in kalsoooni weyn ay ku qabaan xulkeenna in guul kale oo Taariikhi ah ay ka gaaran Lugta labaad.

“Kubaddu waa cad iyo madow kalsooni weyn ayaannu ku qabnaa Xulka Qaranka Soomaaliya sida geesinimada leh ee ay Calanka u difaacayaan wiilasheena” ayuu yiri Col. Maxamed Aadam Jimcaale Koofi.

Ciyaartooyda iyo Macallimiinta Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa 1-0 kaga adkaaday xulka Zimbabwe, kadib ciyaar is-reeb-reeb ahayd  oo ku dhexmartay Dalka Jabuuti, taasoo loogu diyaar garoobayo Koobka Adduunka ee 2022 oo ka dhici doono  Dalka Qatar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/xGJEnVd05cQ

Related posts

Xukun adag oo lagu riday Wasiir Gloria Maya oo dil u geesatay qof ehelkeeda ah

Cabdi Cade

Al Shabaab oo nolosha ku qabatay askar katirsan ciidamada ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay yihiin warqadaha sirta ah ee laga helay Hoyga Madaxweyne Biden?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---