Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil loo geestay Ciise Ducaale

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay koox biskoolado ku hubeesan ay dileen sargaal la sheegay in uu katirsanaa ciidamada maamulka Puntland.

Sargaalka lagu dilay magaalada Boosaaso ayaa magaciisa lagu sheegay Ciise Ducaale oo loo yaqaanayay Cige, waxaana sargaalkan la sheegay in taliye u ahaa hurin katirsan ciidamada Puntland.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada dilka loo geestay sargaalkan, waxa ayna Al Shababa sheegeen in dagaalyahano kooxdooda katirsan ay fuliyeen dilka loo geestay Ciise Ducaale.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geesto saraakiil, Odayaal, Shacab iyo ciidan, waxaana magaaladaasi kamid tahay kuwa ugu amaanka xun deegaanada maamulak Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -