Maxaa Xigi Doona Warbixinta NISA ee Masiibada Ex-Kontarool Afgooye ?!

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayaa maalintii Isniinta farta ku fiiqday in dowlad shisheeye ah ay ka dambaysay qaraxii ex-kontarool, kaas oo galaaftay 82 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro ku dhowaad 180, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen da’ yar ku sii jeeday goobahooda waxbarasho.

Hay’adda NISA, ma aysan la wadaagin faafaahin warbaahinta falkaas bahalnimada dowladdii ka dambaysay, balse waxay ku gaabsadeen inay baaritaanno dheeraad ah samaynayaan, ayna ka qayb qaadanayaan hay’ado sirdoon oo caalami ah.

Durbadiiba waxaa soo baxay siyaasiyiin, iyo xildhibaanno mucaaradaya warbixinta fal dambiyeedka baarista ku socoto oo ay soo saareen saraakiisha amniga Soomaaliyeed. Waxay si toos ah u difaaceen dowlad shisheeye, iyagoo ku eedeynaya saraakiisha Soomaaliyeed inay dowlado dano leh ay ka dhex hadlayaan.

Waxaa xigtay in mar dambe Alshabaab dusha u ritaan masuuliyaddii xasuuqii ka dhacay ex-koontrol, islamarkaasna ka garaabaan waxyeelladdii shacabka soo gaartay!!!

Haddaba, waxaa miiska saaran su’aallo dhawr ah, oo u baahan in jawaabo waafiya laga bixiyo:

  1. Mucaaradka maxay ku saleeyeen, diidmada warbixinta hay’adda sirdoonka Soomaaliyeed NISA?
  2. Mucaaradka maxay u difaacayaan dal shisheeye oo aan la magac dhabin, oo duulaan ku ah dowladnimada dalka, haddana la tuhunsan yahay inuu lug ku leeyahay xasuuqa shacabka ay ku matalaan siyaasadda. Weliba iyadoo NISA aysan soo bandhigin xaqiiqada tuhunkeeda?
  3. Maxaa xagjiriinta Alshabaab ku khasbay inay sheegtaan xasuuqa shacbiga aan waxba galabsan 48 saac kadib? Iyadoo aan hore looga baran inay sheegtaan khasaare baaxaddiisa intaas le’egtahay oo shacabka soo gaara, sida kii Hotel Shamo December 2009, iyo isgoyska Zoope ee October 2017.
  4. Maxaa hay’adda NISA ku dhiirraggeliyey inay si rasmi ah qasaarihii dhacay dusha u  saariyaan dowlad shisheeye iyagoon far ku fiiqin Al Shabaab? Islamarkaasna ku martiqaadaan baarista falkaas hay’addo sirdoon caalami ah?
  5. Maxaa sababay kulanka degdeg ah oo dhexmaray wakiilka QM Danjire James Swan iyo safiirka Imaaraadka Carbabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Axmed Al-Othmani?

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya NISA, waxay la tacaalaysaa ka hortaga khatarta iyo ka dabataga falalka argagaxa leh ee dalka ka dhacaya. Iyadoo dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba marqaati ka yihiin kiisaska ay maxkamadda ciidamada qaado iyo xukunadda ay fuliso.

Intaas waxaa dheer, in hay’addu ka shaqaynayso amniga dal dadkiisu lahayn “Warqadda Aqoonsiga Qaran – national identification card,” islamarkaasna dowladdu gacanta ku wadahayn baraha dalka laga soo galo.

Xaaladda adag ee ay NISA ku shaqaynayso iyo heerka ay ka gaartay ka hortaga iyo ka dabataga fal dambiyeedka, waxay soo jiidatay indhaha hay’adaha sirdoonka wadamada Afrika. Waxaa dhawaan dalka booqasho shaqo iyo khibrad kororsi ku yimid Mudane Axmed Rufaaci Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka Nigeria (NIA), Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa Taliyaha Sirdoonka dalka Angola, iyo madax kale oo ka socotay dalalka Jabuuti, iyo Sudaan.

Haddaba, Siyaasiga mucaaradaya warbixinta, fal dambiyeed baaris ku socoto, xogta uu hayo waa inuu la wadaago laamaha amniga dalka!

Waxaa xaqiiqa ah, in Soomaaliya sanado badan dhibbane u ahayd dagaalka awoodaha caalamka “geopolitical rivalry” ee ka jira Geeska Afrika, taasoo sababtay inay dhunto dowladdii Soomaaliya, dalkuna dhex maquurto dagaal sokeeye oo horseeday ama soo jiiday faraggelin shisheeye.

Mowqifka dhexdhexaadka ahaa ay Dowladda Federalka Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka, wuxuu sababay in Imaaraadka Carbabta ay cadaadis saarto xukuumadda Soomaaliya, si ay mowqifkeedda u beddasho. Waxuu xiriir aan gabbasho lahayn la sameeyay madaxda maamul goboleedyadda, siyaasiyiin, iyo xildhibaanno, kuwaasoo khal-khal siyaasadeed dalka ka abuuray.

Waxuu sidoo kale, heshiisyo baalmarsan shuruucda dalka, iyo kuwa caalamiga la galay maamullada Somaliland iyo Puntland, kuna hantiyay maamulka iyo maaraynta Dekedaha Berbera iyo Bosaaso.

Imaaraadka Carbabta waxuu sanado badan suuq u ahaa dhuxusha sida sharci darrada looga dhoofiyo Soomaaliya, iyagoo iska indha tiraya qaraarkii Qaramada Midoobay ka soo saartay cunaqabateenta hubka iyo dhuxusha Soomaaliya. Daraasad QM samaysay waxaa lagu ogaaday in dakhliga ka soo xarooda dhuxusha lagu maalgelin jiray amnidarrada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan, dhacdadii ciidamo ay tababbareen Imaaraadka Carbabta, oo amar ka haysta saraakiil Imaaraati ah, ay weerareen hoyga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, si xiisad siyaasadeed uga abuuraan dalka, kaddib markii Xeerilaalinta soo xireen Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu eedayay inuu gacan saar la lahaa Imaaraadka. Islamarkaasna ilaalada garoonka Aadan Cadde qabteen lacag ku dhow 10 malyan doolar si khal-khal amni loogu abuuro.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin in hay’adda NISA hayso caddaymo ku filan, waana sababta keentay in si kalsooni ku jirto u dalabto baaris caalami ah.

Inkastoo in badan Xukuumadda Soomaaliya isku dayday inay hagaajiso xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka, haddana tallaabadani waxay muujinaysaa inuu shalaw ku dhacay haddiiba ay jirtay rajo lagu dhayi karay boogihii jiray.

Falanqeeyaasha amaanka gobolka, waxay horay u tuhunsanaayeen inay jiraan gacamo ka baxsan Alshabaab oo kaalin mug ah ku leh amnidarrada Soomaaliya. Balse waxaa looga baahan yahay NISA inay baaristeeda ebido najiijadana soo bandhigto.

Go’aanka ay qaadatay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya NISA, waa mid soo celinaysa qabkii iyo madaxbannaanida siyaasadda Soomaaliya. Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanaysa: “Waxii aad qarsatid, way ku qarsadaan.”

W/Q Saciid Cabdisalaam

- Advertisement -