Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidanka Danab oo gubay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe

Ciidanka Kumaandoska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Danab ayaa xusay in Howlgalka khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, lagana gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka Sida saldhigooda, xarun maxkamadeed oo ay halkaas ku lahaayeen.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa argagixisada ka soo furtay hub iyo gaari nooca Homayda loo yaqaan oo ay adeegsan jireen iyadoo laga dilay ku dhawaad 7 maleeshiyaad ah” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga wax uu ugu yeeray dhagarta ay soo maleegeen Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Xildhibaan Sabab dad badan la yaabeen shaqadiisa ku waayay iyo Youtube oo..

Cabdi Cade

Madaxweyne Al Sisi & dhigiisa Afewerki oo ku baaqay ilaalinta Midnimada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Sidee u samaysan yihiin una shaqeeyaan godadka iyo marinnada Xamaas ee dhulka hoose

Cabdi Cade
Taboola Ads ---