(Akhriso) Guddiga Farsamada Galmudug oo shaaciyey liiska Xildhibaanadii ugu horeeyey

Guddiga Farsamada iyo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Jimce ah shaaciyey liiska 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna Wal-Jamaaca laga siiyey Baarlamaanka Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa ka hadlay 20-ka xildhibaan ee laga siiyey Barlamaanka Galmudug,kaas oo Maanta ay u gudbiyeen Guddiga farsamada iyo dhismaha Galkmudug.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shaakir oo Xubnahaan ay gudbiyeen ay buuxiyeen shuruduudihii laga rabey Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Waxaa uu u mahad celiyey dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka oo uu sheegay inay doorweyn ka qaadanayaan dhismaha Galmudug midoeysan oo loo dhan yahay.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey Magacyada 20-ka Xildhibaan, isla markaana lagu sheegay in guddiga uu aqbalay soona dhaweynayo 20-ka Xildhibaan oo ay Ahlusunna u soo gudbiyeen oo kala ah sidan hoose:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -