Wararkii u dambeeyey xiisada cirka isku shareertay ee Iran iyo Maraykanka

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa ka dalbatay muwaadiniinta Mareykanka inay isaga baxaan Ciraaq sida ugu dhakhsiyaha badan ka dib weerarkii uu Mareykanka ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Iran.

Amarkan ayaa yimid ka dib markii Dowlada Iran ku hanjabtay aargudasho xanuun badan waxayna sheegtay in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dilka Jeneral Qasem Soleimani.

Afhayeen u hadlay dowlada Iran ayaa sheegay in Maraykanka iyo Israa’iil ay heli doonaan jawaabo kulul.

“Maanta, Maraykanka iyo Israa’iil waxay galeen dambi weyn waxayna heli doonaan jawaabo kulul.” ayuu saakay telefishinka ka yiri.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Ra’iisul wasaaraha dalka Iraq Adel Abdul Mahdi ayaa cambaareeyey dilkii Janaraal Qaasim Sulaymaan oo uu Maraykanka u adeegsaday duqeyn dhanka cirka ah, Jeneraal Qasem Soleiman ayaa ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in weerarka duqaynta uu ahaa ‘mid u horseeda kara dagaal halis ah oo ka dhaca gobolka.

Dhinaca kale, Shiinaha ayaa ka dalbaday dhammaan dhinacyada gaar ahaan Mareykanka inay wax iskula haraan ka dib dilkii General Soleimani.

“Shiinaha wuxuu mar kasta ka soo horjeedaa in xoog loo adeegsada xiriirka caalamiga ah”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha.

Xeeldheerayaasha bariga dhexe ayaa sheegay iney aad u yar yihiin fursadaha looga baaqsan karo dagaal dhexmara Maraykanka iyo Iran, waxaana cabsi badan ay la soo deristay dalalka carabta ee Maraykanku saldhiyada milateri ku leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -