Banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday laguna cambaareenayay qaraxii xooganaa ee Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Banaan baxa uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay dadweyne badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir kuwaa oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Al Shabaab.
Dadka banaan baxa dhigayay ayaa aad uga murugeesnaa dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye, qaraxaas oo galaaftay nolosha dad ku dhaw 100-qof .
Dibad baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo looga soo horjeeday Al Shabaab , waxa ay sidoo kale dibad baxayaasha wateen sawirka Madaxweynaha Turkiga ay uga mahd celinayeen garab istaaga dadkii ku dhaawacmay qaraxa.
Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada ayaa la hadlay dadkii kasoo qeyb galay banaan baxa, waxa ayna masuuliyinta ugu baaqeen shacabka in ay la shaqeeyaan dowlada meelna looga soo wada jeesto Al Shabaab.
Qaraxa ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa galaaftay nolosha dad ku dhaw 100-qof oo u badnaa shacab, waxaana masuuliyada qaraxaasi si aan ganbasho laheyn dusha ugu ritay Ururka Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com