Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo shaacisay Sawirada iyo Magacyada Xubno katirtsan Al Shabaab oo ay baadi goobeyso

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa baahiyay sawirada iyo magacyada xubno ay sheegeen in ay katirsan yihiin Al Shabaab , waxa ayna dadweynaha Kenya ka codsadeen in ay soo gudbiyaan xogta ragan la baadi goobayo.

Kenya ayaa sheegtay in sadexdan nin oo lagu xagjireeyay magaalada Mombasa ay qatar ku yihiin amaanka dalka Kenya, waxa ayna ku eedeesay in ay wax ka geesteen weeraro ka dhacay qeybo kamid ah dalka Kenya.

Qoraal kasoo baxay laamaha amaanka dalka Kenya ayaa looga codsaday dadweynaha Kenya in ay ka taxadaraan halista ragan la baadi goobayo, waxa ayna shacabka ka codsadeen in ay lasoo wadaagaan xog lagu qaban karo ama lagu dili karo.

Kenya ayaa xubnaha ay baadi goobeyso magacyadooda ku sheegtay Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Salim Mohamed Ahmed, sadexdan nin ayaana dowlada Kenya aaminsan tahay in ay joogaan gudaha dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa marar badan soo bandhigtay sawirada iyo magacyada xubno ay sheegtay in Al Shabaab katirsan yihiin kuwaa oo lagu eedeeyay in weeraro dhiig badan ku daatay ka fuliyeen gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ciidanka Kenya oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay qeybo ka tirsan Jubada Hoose

Caydiid Ali

Dowladda Somalia oo War ka soo saartay xariga Cabdalla Axmed Muumin (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlad Afrikan ah oo lacag magdhaw ah ka dooneysa Britain

Cabdi Cade
Taboola Ads ---