Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo Safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya iyo Madaxweynaha oo aqoonsiga ka guddoomay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalkeenna Mudane Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.

Related posts

Xogta kulan dhexmaray Wasiirka Difaaca Somalia & Jen. Fayad Al-Ruwaili (Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo balaayiin dollar oo mag dhow ah weydiisatay Mareykanka

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Cowsweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---