Allbanaadir.com
NEWS

Xarun Degmo oo Al Shabaab ku qarxiyeen Muqdisho oo dib u dhis lagu bilaabay (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta degmada Warta Nabada .

Xarunta Degmada Warta Nabada ayaa bur bur xoogan waxa uu kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo Al Shabaab ku qaadeen  14-kii bishii MAY ee sanadkii hore 2019-ka, waxaana xarunta qaraxaasi ka soo gaaray bur bur xoogan.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay dib u dhiska xaruntan iyo xarumaha kale ee dadka loogu shaqeeyo, waxa uuna balan qaaday in maamulkiisa wax badan ka qaban doono dib u howlgalinta xarumaha muhiimka ah.

Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaaday xarumo degmo oo kuyaala magaalada Muqdisho , waxaana qaar kamid ah xarumahaasi lagu sameeyay dib u dhis halka kuwa kalana ay wali ku socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Senator Cabdi Qeybiid oo ka hadlay Howlgalkii Ciidamo katirsan Dowlada Gurigiisa galeen

admin

Ciidanka NISA oo sheegay in ay dileen nin Al Shabaab shaqo weyn uga hayay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo dhagax dhigay dhismaha 11 Wado

Caydiid Ali
Taboola Ads ---