Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii Xabsiga Dhaxe ee Xamar oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xilka laga qaaday taliyihii Xabsiga Dhaxe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay.

Taliyaha cusub ee Xabsiga Dhaxe ee Xamar ayaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye, waxaana dhawaan la filayaa in si rasmi ah xilka ula wareego taliyaha cusub ee la magacaabay.

Generaal Xirsiile ayaa dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay kadib markii la sheegay in uu sabab u noqday geerida Maxbuus Xabsiga Dhaxe ee Xamar ku xirnaa uu kala baxay isbitaal kuyaala Muqdisho oo xaalad caafimaad loo geeyay.

Magacaabista Taliyaha cusub ee Xabsiga Dhaxe ee Xamar ayaa la sheegay in ay soo dedejisay kadib markii dhawaan xabsiga ka baxsadeen sadex Maxbuus oo la sheegay in ay ku xukunaayeen xabsiyo dhaa dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbi Siyaasadeed Walaac xoogan ka muujiyay Hehiiskii Farmaajo iyo Uhuru (Akhriso)

Cabdi Cade

Ciidamo Kumaandoos ah oo tababar loogu soo xiray xerada Turki Som (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xasaanada laga qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---