Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalalkii ugu horeeyey oo u dabaaldegay bilowga Sanadka cusub ee 2020 (Sawirro)

Qaar ka mid ah dalalka caalamka oo uu ka bilowday sanadka cusub ee 2020ka ayaa waxaa ka dhacay dabaaldegyo lagu soo dhoweynayao curashada sanadka cusub.

Magaalooyinka Kula-Lumpur, Seol, Sydney, Auckland iyo Pyongyang ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga dabaaldegay sanadka cusub ee 2020.

Fagaareyaal ku yaalla magaalooyin ka mid ah dalalka dhaca bariga qaarada Aasiya iyo weliba Australia ayaa isugu soo baxay dad fara badan waxaana hawada sare loo ridey iftiin kala duwan oo leh midabo kala jaad ah oo aad u qurux badan.

Dalalka kale ee caalamka ayaa u diyaar garoobaya dabaaldega sanadka cusub ee hijriga marka la gaaro saqda dhexe ee caawa, waxaana diyaar garowga ugu badan laga dareemayaa magaalooyinka Yurub, Amerika iyo Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dood Cilmiyeed ku saabsan shilinka Soomaaliga oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Soomaaliya (Daawo Sawirada)

admin

(Sawirro) Qatar oo deeq ka kooban qalabka COVID-19 ka dejisay Muqdisho & Hargeysa

Caydiid Ali

Xamse & wafdi uu horkacayo oo dalka ka dhoofay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---