Maxay ka wada hadleen Safiirka Imaaraadka iyo Wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Othmani oo dhowaan ku soo laabtay Muqdisho iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Safaarada Imaaraadka ee Somalia oo ku taalla degmada Shingaani ee gobolka Banaadir.

Barta Twitterka ee Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay qoraal kooban iyo sawirro kulankan ku saabsan, balse lama faahfaahin waxyaabaha ay wada hadleen.

Waxaa Kulankan uu ku soo aadayaa xili wargeysyo ka soo baxa dalka Turkiga ay qoreen in qaraxii ka dhacay maalmo ka hor Ex-control oo lagu dilay dad 90 gaaraya oo ay ku jireen injineero Turki ah ay ka dambeysay dowlada Imaaraadka, iyadoo sirdoonka Somalia ay iyana sheegeen iney baaritaan ku hayaan xog ku saabsan in dowlad shisheeye ay ku lug laheyd qaraxaas inkastoo markii danbe ay dusha u ridatay Al-shabaab.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib muddo sanad ka badan oo uu maqnaa.

Xiriirka dowladaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa xumaaday tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay xayirtay diyaarad laga lahaa Imaaraadka Carabta oo waday lacag kaash ah oo gaareysa malaayiin Dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -