Mid kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ugu Weyn Afrika oo dacwad culus loo heesto

Shirkada Isgaarsiinta MTN ee laga leeyahay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo eedeeyay in lacag badan laaluush ahaan u siisay kooxda Taalibaan ee ka dagaalanta dalka Afgaanistaan.

Maxkamad kutaala dalka Mareykanka ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah shirkada isgaarsiinta MTN , waxaana shirkada lagu eedeeyay in ay jebisay sharciga argagixiso la dagaallanka ee Mareykanka u yaalla.

Dacwada shirkada MTN iyo shirkado kale loo heesto waxaa gudbiyay qareenno matalaya qoysaska dadkii Mareykanka ahaa ee ku dhintay weerarradii ka dhacay Afghanistan, waxa ayna dadkan shirkada ku eedeeyeen in maalgalisay koox argagaxiso.

Maxkamada Mareykanka dacwada loo gudbiyay ayaa lagu xusay in shirkada MTN ay  lacag laaluush ah siisay Al-Qaacida iyo Taaliban, si ay u taagato anteenooyiin qaali ah oo aan ilaalo u baahnayn.

Waxaa la sheegtay in lacagta MTN laaluush ahaan u siisay kooxda Taalibaan u adeegsatay maalgalinta iyo fulinta weerarro gaadmo ah oo ka dhacay dalka Afghanistan intii  u dhexeysay 2009 illaa 2017.

Maamulka Shirkada Isgaarsiinta MTN ayaa sheegay in ay baarayaan eedeemaha loo soo jeediyay ee ku aadan in lacago lalauush ah siisay kooxda Taalibaan, waxa ayna maamulka shirkada sheegeen in aysan macquul aheyn maalin galinta kooxo halis ah.

Shirkaddan isgaarsiinta ee laga leeyahay Koonfur Afrika waxay sheegtay in ay tahay mid ku taagan fikaradda ganacsiga ee ah mid masuuliyad ku dheehan tahay iyo habraaca dhammaan dhulalka ay ka howlgasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -