Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Sheekh Shaakir oo kulan xasaasi ah leh

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah oo albaabada u xiran yihiin uu u socdo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Maxamed Shaakir.

Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madaxa Xukuumada u socdo ayaa la sheegay in looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka wali ka jira dhismaha Maamulka Galmudug iyo sidoo loo dar dar galin lahaa.

Sida aan wararka ku heleyno Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa Sheekh Shaakir kala hadlaya sidii isbadal loogu sameyn lahaa Xildhibaanada Ahlu Sunna soo xulatay uu ka jiro muran dhanka beelaha ah .

Kooxda Ahlu Sunna ayaa dhawaan soo magacawday 20-Xildhibaan ay ku yeelaneyso Baarlamaanka cusub ee Galmudug, waxaana Xildhibaanadaasi qaabka saami qeybsiga beelaha ka dhashay khilaaf xoogan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulanka kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -