Allbanaadir.com
NEWS

Tirada Haweenka Kenya ee ku biiraya Al-Shabaab oo kordhaya iyo sababta ka dambeysa

Tiradda Haweenka Kenyan ka ah ee ku biiraya Al-shabaab iyo kuwa ciidamada amaanku ay xireen iyagoo damacsan inay ku biiraan kooxdaas ayaa sii kordhaya sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi.

Haweenka warbixintaan lagu xusay Qaarkood waxay ka mid ahaayeen ardayda Jaamacadaha oo isaga tagay waxbarashadda halka qaar kalena Markii ay Jaamacadaha dhameeyeen ay ku biireen Al-Shabaaab.

Khadija Abubakar oo Jaamacadda Kenya ku taalla ka baraneysay Culuunta Dawooyinka ayaa 15 March 2017 Ciidamadda amaanku xabsiga dhigeen ka dib markii la qabtay iyadoo qorsheyneysa inay Al-shabaab ku biirto.

Machadka Daraasaadka amniga ee Africa Cilmi baaris uu sameeyay ayaa muujineeysa inay kordheen Haweenka ku biiraya Al-Shabaab waxaana daraasadan ka soo muuqday in Haweenka ugu badan ay Kenya u dhasheen waxaa soo labeeya Haween u dhashay Tanzania.

Machadku wuxuu la hadlay 108 Haween ah oo ku kala sugnaa magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Garissa, Diani, Kwale iyo Kisumu iyo Haween kale oo kasoo laabtay Al-shabaab.

Daraasadda ayaa sidoo kale waxaa ay muujisay in Haweenku ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin  howlaha Al-shabaab, shaqooyinka ay u qabtaana waxaa ugu muhiimsan sirdoonka oo ay kaalin lixaad leh ka qaataan.

Sababaha ku xambaaraya haweenkan iney ku biiraan Al-shabaab ayaa la sheegay iney ugu horeyso shaqo la’aan iyo nolol xumo, waxayna Al-shabaab ka helaan lacago yar yar oo noloshooda ay ku maareeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Madaxweyne Trump oo hanjabaad u diray Taliban kana dalbaday in ay…

Cabdi Cade

Imaam Masjid oo la dilay isaga oo Salaad Dujinaya iyo Sabbata keentay

Cabdi Cade

Kenya oo ceyrisay lix qareen oo caalami ah oo ku matalayay dacwada kiiska Badda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---