Xarakada Al-shabaab oo War culus ka soo saartay qaraxii Ex-control Afgooye

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay iney iyagu ka dambeeyeen qaraxii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaasoo au ku dhinteen shacab fara badan.

Kalimad la dhageysan karo muddo 24 daqiiqo ah oo uu Sheekh Cali Dheere soo dhigay warbaahinta taageerta kooxdaas ayuu ku faahfaahiyay qaraxii halkaas ka dhacay iyo dadka lala beegsaday, wuxuuna sheegay in qaraxaas ay la beegsadeen Kolonyo isugu jirta Turki iyo maleeshiyaad Soomaali ah oo ilaalo ah islamarkaana uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale qiray in qaraxaas uu khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed kasoo gaaray dad shacab ah oo qaraxaas la kulmay xilli ay wadada marayeen.

“Waxaan aad iyo aad uga xunnahay khasaaraha qaraxan ka soo gaaray ummadeena muslimka ah, waana ka tacsiyadeynaynaa dhamaan dadkii muslimiinta ahaa ee halkaas naftooda ku waayey ama ku dhaawacmay hantina ay uga burburtay, inta ku dhimatay ILAAHAY Waxaan uga rajaynaynaa inuu shahaado uga dhigo, eheladoodana Samir ILAAHAY ha ku arsaaqo, kuwa dhaawaca ahna ilaahay ha u booga dhayo, inta hantidooda ku weyasyna bedel khayr leh ilaahay ha siiyo, waxaa hubaal ah in mujaahidiintu yihiin kuwa ugu badan ee uu gubayo dhibka gaaray ummada islaamka, ” ayuu yiri Cali dheere.

Waxaa uu sheegay in weerarkaas uu qeyb ka yahay dagaalka jihaadka ee ay kula jiraan wax uu ugu yeeray cadowga Alle kan muslimiinta, wuxuuna xusay iney sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan wax uu ugu yeeray cadowga dalka ku soo duulay iyo kuwa la safan.

Ku dhowaad boqol qof ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka badana wey ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay Ex-control Afgooye, waana markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay qirato iney shacab ku laayeen qaraxyada ay fuliyaan, kana tacsiyeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -