Taliyihii Hore ee Nabad sugida oo Layaab ku tilmaamay Warqada kasoo baxday NISA

Taliyihii hore ee Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi hadana ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka federaalka ayaa layaab ku tilmaamay warqad maanta kasoo baxday Hay’adda NISA.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in warqada kasoo baxday NISA u muuqatay mid siyaasadeysan, waxa uuna tilmaamay in Al Shabaab loo cudur daarayo lagana leexiyo dadkii qaraxa lagu laayay.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Axmed Fiqi

Warqadda hey’adda NISA ee la yaabku ka muuqdo waxaa iiga soo baxey:

1. In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda.

2. Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay.

3. In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo.

4. In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro.

Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin!

Hey’adda NISA waxey sheegtay In ay hey’adaha sirdoonka caalamka qaarkood ay baaritaanka la kaashan doonto, waxaa looga baahan yahay in banaanka ay soo dhigaan hey’adahaas ay sheegeen?! Si loo ogaado In baaritaankaasi siyaasadaysan yahay iyo In kale.

Kooxaha argagixisada ama cid kasta oo ku soo hoos-gabata ayaga iyo kuwa marin habaabinta umadda ku samaynaya nooma kala duwana, waxaan dalbanaynaa In baaritaan madax banaan lagu sameeyo dhacdadii xasuuqa Ex-Kontorool Afgooye iyo habdhaqankan cusub ee madaxda NISA ay la soo baxeen oo muujinaya In NISA lafteedu ay ajnabi gacanta u gashay iyo In kale!? Lana Shaaciyo cidda baaritaankaas ka qeybgalaya.

By Axmed Fiqi

 

- Advertisement -