Nabad Sugida oo Shaacisay in dal Shisheeye ka dambeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

War kooban oo kasoo baxay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye uu qorshihiisu lahaa dal Shisheeye.

NISA qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan qaraxan, waxa ayna NISA tilmaantay in warbixin bilow ah oo la xariirta dalka qorsheeyay qaraxan u gudbiyeen madaxda sare ee dalka.

”Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ma shaacin dalka ka dambeeyay qaraxan lagu hoobtay ee ka dhacay Muqdisho, waxaana jira tuhun laga qabo dowlado carbeed oo qeyb ka ah xasilooni darada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -