Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo War ka soo saartay duqeymo lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Sida ay baahisay Wakaalada wararka u faafisa dowlada Somalia ee SONNA Howlgalo ay iska kaashadeen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ayaa lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgaladan oo laba qeybood ahaa ayaa la sheegay in kan hore uu shalay oo Sabti aheyd ka dhacay degaanka Cali Barrow, waxaana lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo warbaahinta dowladu aysan sheegin Magacyadooda.

Howlgalka labaad ayaa la sheegay in ciidamada isgarabsanaya ay galabta ka fuliyeen degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Jubada dhexe iyadoo SONNA ay sheegtay in lagu dilay sarkaal kale.

Ma jirin wax khasaara ah oo shacabka ka soo gaaray intii lagu jiray howlagadaasi lagu dilay horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab sida dowladu sheegtay.

Lama hayo warar madax banaan oo ka hadlaya goobaha la duqeeyey iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse ciidamada Maraykanka ayaa xoojiyey sanadkan sii dhamaanaya duqeymaha ay ay geystaan goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/wali Gaas oo xariga ka jaray xarumo iyo Jidad laga dhisay Magaalada Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

CIA-da oo ugu baaqday shacabka Ruushka in ay usoo dusiyaan sirta dalkooda

Cabdi Cade

Shirkada Hormuud oo Shahaado Sharaf la gudoonsiiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---