Dowlad Saaxiib dhaw la ah Soomaaliya oo War kasoo saartay Qaraxii lagu hoobtay ee Muqdisho

Qaar kamid ah dowladaha Caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ,kaa oo galaaftay nolosha dad ku dhaw 100-qof oo shacab ah.

Dowlada Qatar oo kamid ah dowladaha Soomaaliya saaxiibka dhaw la ah xiligan ayaa si kulul u canbaareesay qaraxa dadka badan lagu laayay ee shalay subax ka dhacay Isgooska Ex-Koontarool Afgooye.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Qatar ayaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin qaraxa dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Muqdisho, waxaana qoraalka lagu sheegay in ay cambaareenayaan falkaasi argagaxiso.

“Dowladda Qatar waxay caddeynaysaa mowqifkeedi ku aadan in aan marnaba raali ka noqon doonin falalka sidan oo kale u dhaca ,sababkasta ay jirto marna raali kamanihin in shacab la dhibaateeyo,waana cambaareynaynaa ka dowlad ahaa”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqday mid nolosha ku waayeen dad badan oon waxbo galabsan, waxaana isbitaalada wali jiifa dad ka badan 100-qof oo qaraxaasi dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -