Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska oo ka hadlay sababta loo xiray Max’uud Cali Hayste Ramaax

Booliska Somaliland ayaa ka hadlay xariga Xoghayihii Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Max’uud Cali Hayste (Ramaax) oo shalay xabsiga la dhigay.

Xisbiga UCID ayaa xaqiijiyey xariga Xoghayihii guud ee Xisbiga,iyagoo intaas ku daray inuu tagay xarunta C.I.D ee Hargeysa oo looga yeeray markii hore.

Afhayeenka Booliska Somaliland Feysal Xiis ayaa sheegay in sababta loo xirey Xoghayaha ay tahay inuu aflagaadeeyey Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland, isla markaana uu ku sheegay inuu xiriir la leeyahay dad cadaw ku ah Somaliland.

“Sifo sharci ah ayuu ku xiran yahay Xoghayaha, dacwadda loo heystana waa mid cad, Maxkamad ayaana la horgeyn doono si cadaaladda loo marsiiyo” ayuu yiri Afhayeenka.l

Xariga Xoghayihii arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ku soo aadayaa xilli shalay ay kulmeen Madaxweynaha Somaliland iyo Gudoomiyeyaasha labada Xisbi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo gar gaar deg deg ah u dirtay magaalada Guriceel (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo safar aan la shaacin ugu ambo baxay Dalalka Kenya iyo ….

Cabdi Cade

Dowlad shacabkeeda ka mamnuucday Facebook & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---