Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo si kulul u beenisay Eedeyn culus oo uga timid maamulka Somaliland

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka  Puntland ayaa lagu beeniyay eedeyn uga timid maamulka Somaliland oo ku aadanaa in ciidamada Puntland qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanood.

Puntland warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidankooda  aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxa ayna Puntland sheegtay in ay qadarineyso Soomaalininada iyo xasilloonida.

“Dagaalkaani wuxuu u dhaxeeyaa oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah” ayaa lagu yiri warka Puntland kasoo baxay.

Related posts

Warshadii qaraxyada Daacishta Soomaaliya oo xalay la gubay

Cabdi Cade

Cawil Axmed Jabuuti oo xilka laga qaaday iyo Masuul cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali

Haweeney dishay nin ay saaxiibo ahaayeen kadibna hilbihiisa karsatay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---