Axmed Madoobe oo furay Shir ay soo qaban qaabisay Dowlada Federaalka (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka furay shir ay soo qaban qaabisay Wasaarada Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya.

Shirkan oo looga hadlayo maareynta maaliyadda dadweynaha iyo nidaamka deyn cafinta Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirka maaliyada Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirada maaliyadda ee dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo khudbad kooban ka jeediyay furitaanka Shirka ayaa ku booriyay Hay’adaha maaliyada dalka in ay dar dar galiyaan nidaamka maaliyadda ee dalka, waxa uuna soo dhaweeyay Deyn cafinta Soomaaliya.

 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo isna khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ka war bixiyay horumarka maaliyadda dalka iyo sidoo kale halka ay mareyso deyn cafinta Soomaaliya.

Shirkan maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee soo qaban qaabisay dowlada federaalka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qabto magaaladaasi tan iyo markii doorasho muran dhalisay mar kale lagu doortay Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -