Wasiir katirsan Puntland uu ku dhacay Cavid-19 oo diyaarad qaas ah looga soo qaaday Garawe

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta diyaarad gaar ah magaaladaasi looga soo qaaday wasiir katirsanaa maamulka Puntland uu ku dhacay cudurka Caronavirus.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada  ismaaciil Diiriye Gamadiid ,ayaa la sheegay in uu ku dhacay cudurka Caronavirus, waxa uuna cudurkaasi oo maalmo hayay wasiirka uu waxyeelo gaarsiiyay sambabadiisa iyo habdhiska neefsashada.

Diyaarad gaar ah oo maamulka Puntland u dalbay Wasiirka ayaa usoo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Wasiirka dalka Turkiga loo sii gudbinayo si loogu geeyo takhaatiir xaaladiisa wax ka qaban karta.

Wasiiro katirsan maamulka Puntland ayaa dhawaan la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Caronavirus, wasiiradan qaarkood ayaana la sheegay in uusan cudurka kasoo muuqan halka kuwa kalana loo dhigay xarumo caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -