Xildhibaanada Beesha Murusade oon ku farxin Shirweyne maanta ka dhacay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho Shirweyne Wadatashi ah ku yeeshay Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Dhalinyarada, Ganacsatada iyo Haweenka Beesha Murusade , waxaana shirkan uu ahaa mid looga arin sanayay midnimada iyo Wadajirka Beesha.

Shirweynahan waxaa kasoo qeyb galay ku dhawaad 200-oo xubnood oo matalayay jufooyinka kala duwan ee Beesha Murusade, waxa uuna shirkan daba socday shirar hore uga dhacay magaalada Muqdisho oo  loogana arinsanayay sidii beesha uga heshiin laheyd mad madowga dhax yaala.

Shirweynahan  waxaa kasoo qeyb galay Waxgaradka Beesha Murusade kuwooda ugu caansan Siyaasiyiin iyo Ganacsato waa weyn, waxa uuna shirku ahaa mid lagu muujinayay midnimada beesha iyo in laga heshiiyay waxii isfahmi waa ahaa ee beesha horey uga dhax jiray.

Xildhibaanada Beesha Murusade ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo u badan kuwa aan beesha dhaxdeeda saameyn iyo taageero ku laheyn ayaan kasoo qeyb galin Shirweynaha maanta ka dhacay Muqdisho ay yeesheen Beesha ay Siyaasada ku matalaan.

Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanadan ayaa isku dayay in ay Shirweynaha fashiliyaan balse ku guul dareestay, waxaana la sheegay in aysan ku faraxsaneyn in Beesha Murusade heshiiso kana shaqeyso midnimadeeda, waxa ayna inta badan aad u daneenayaan in iyaga looga dambeeyo aayaha beesha.

Xildhibaanadan oon ku imaan kalsoonida dadka ay matalaan balse ku yimid dhaqaale ay bixiyeen ayaa tan iyo markii lagu soo doortay magaalada Cadaado wax kulan ah la qaadan waxgaradka iyo dadka ay matalaan, waxa ayna inta badan ku mashquulsanaayeen danahooda gaarka ah.

Shirweynaha Midnimada iyo Wadatashiga Beesha Murusade ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqday mid si heer sare ah loo soo dhaweeyay , waxaana aad u bogaadiyay kuna farxay natiijada kasoo baxday Shirkan qeybaha kala duwan dadka ku abtirsada Beesha Murusade.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -