Mahad Salaad oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Laftagareen

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa jawaab ka jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo si aan toos aheyn u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan kuwa kasoo jeedda beesha Habar gidir.

Madaxweyne Lafta-gareen oo ka hadlay Xuska sanadguuradii 1-aad ee kasoo wareegtay markii loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu qabtay Baydhabo ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradsan DF ay caadeysteen iney ku soo celceliyaan waxyaabo been abuur ah sida xasuuq ka dhacay Baydhabo iwm taasoo uu sheegay iney tahay arrin gef ku ah shacabka Koonfur galbeed.

“Siyaasiyiinta mucaaradsan DF, iyagoo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, iyagoo leh xasuuq ka dhacay Baydhabo iwm, waxaana ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay inay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda degaano lagu dilay dad reer Koonfur Galbeed ah, gaar ahaan Gaalkacyo mana ahan kuwa xishoonaya.” Ayuu yiri Laftagareen.

Balse xildhibaan Mahad Salaad oo u muuqda inuu ka carooday hadalka laftagareen ayaa boggisa facebook soo dhigay qoraal uu ugu jawaabayo Madaxweynaha Koonfur galbeed kaasoo u qornaa sidan:

“Mooryaanka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”!

Waxaan dhagaystay khudbad xalay magaalada Baydhabo uu ka jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdicasiis Lafta Gareen uuna leeyahay reer Galmudug ayaa xasuuq noo geystay, isaga oo tusaale u soo qaatay dhacdadii Gaalkacyo ka dhacday dhowr bilood kahor.

Madaxweyne Lafta Gareen mooryaantii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay. Si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn. Gafna ku ah dadkeena!

Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii mooryaanka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Alshabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Mogadishu isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado!

Ugu danbeyntii Madaxweyne Lafta Gareenow waxaan ku leeyahay “Mooryaanka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”!

Mahadsanid. 
Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -