Al Shabaab oo Shaacisay in nolosha ku qabteen Taliyihii ciidamada Badda Galmudug

Dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho iyo mid dhaawac ayaa shalay ka dhacay deegaanka Shabeellow ee gobolka Mudug, waxaana dagaalkan dhax maray ciidamada Galmudug iyo kuwa Al Shabaab laga sheegtay guulo kala duwan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka shalay ka dhacay gobolka Mudug ku dileen saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsan Daraawiishta Galmudug sidoo kale saanad iyo hub kala duwan ku qabsadeen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalka ka dhacay gobolka Mudug nolosha ku qabteen taliyihii ciidamada Badda maamulka Galmudug oo magaciisa ku sheegeen Xirsi Cali Shire.

Maamulka Galmudug ayaana wali ka hadlin warkan Al Shabaab baahiyeen ee sheegaya in nolosha ku qabteen taliyaha ciidamada Badda Galmudug, mana jiro ilo madax banaan oo warkan xaqiijiyay.

Dagaalka ka socda deegaano katirsan gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho oo labada dhinac ee dagaalamaya soo kala gaaray, waxaana wali labada dhinac isku diyaarinayaan dagaalo hor leh ay deegaano ku kala qabsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -